Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Maaliyadda

Date:

Muqdisho, 01, April, 2017….Wasriika cusub W. Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle, ayaa saaka xilka kala wareegay wasiirkii hore maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro ka tirsan xukuumadii hore, madax ka socota Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horaynti Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Xasan Cali Kheyre oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya maanta  u bilaabatay isla xisaabtan, iyo sidii xididada loogu siibi lahaa musuq maasuqa.

“In xil lagu wareejiyo si nabad ah waxay astaan u tahay horumarka dalka, anagoo kuligeen makhraati ka ah, waana xafladii ugu horaysay ee xukuumadda cusub ay xil kula wareegto, waxaana u imid maanta inaan idinla qaybsado islamarkaana idin dareensiiyo hadafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu inuu ku salaysan yaahy inaan hogaamino nidaam cusub oo ku taagan isla xisaabtan. Waxaa laydinku aaminay canshuur loo soo dhididay iyo iftiimkii dowladda Soomaaliya. Shaqaalaha Wasaaradda waxaan u sheegayaa in maanta la soo gaaray xiligii isla xisaabtan-ka dhabta ah, amaanada yar oo laydiin dhiibayna inaad u ilaalisaan sida ugu haboon, shaqada laga sugayo wasiirada cusub maahan in ay  ilaaliyaan amaanada kaliya, ee waa iney kor u qaadaan dakhliga” ayuu yiri RW khayre,

Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa dhankiisa sheegay in mudadii uu xilka hayey la gaaray horumar baaxad leh, taasna ay makhraati ka tahay in xil wareejintu ka dhacaday maanta wasaaradii rasmiga ahayd ee Maaliyadda.

“Waxaa farxad ii ah inaan maanta xilka wareejinayo mudo laba sano ah anigoo wax badan ku soo kordhiyey wasaaradda Maaliyadda, waxaana maanta xilka lagula kala wareegay dhismihii Wasaarada, waxaa kale oo hada dhisme ku socdaa wasaaradii hore ee lacagta oo aan ka fogayn wasaaradda. Waxaa intaas dheer nidaamka cusub ee lagu ilaalinayo dakhliga dalka inuu noo saamaxay maanta laga soo bilaabo 09, April, 2015 ilaa hada wixii dakhli soo galay dowladda iyo meeshii ay ku baxday intaba laga heli karo nidaamkaan loo yaqanao “FMIS” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dr. Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo Wasiiradii la shaqayn jiray shaqada wacan ee ay soo qabteen, wuxuuna balan qaaday inuu isagu ugu horayn doono isla xisaabtanka.

“Sharaf weyn ayeey ii tahay in xilkaan nalagu aamino aniga iyo shaqaalaha wasaarada, Ra’iisul Wasaaraha ayaa na siiyey daardaaran shaamil ah oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana ku soconayanaa wadadii uu madaxweynuhu noo jeexay ee ahayd abuurida “nabad iyo nolol” ka soo qayb galka Ra’iisul Wasaaruhu waxay na tusaysaa misaanka ay leedahay wasaaradda maaliyaddu. Aniga iyo shaqaalaha wasaaradu oo iskaashanayna waxaan u shaqaynaynaa si wadajir ah, waxaa xusid mudan inaan Mudadii 30-ka sano ahayd ee aan u shaqynayey Bangiga Horumarinta Africa, aan la lahaa wada shaqayn joogta ah Wasaaradda Maaliyadda, hadii aan inagu wax qabsanana waxaa hubaal ah in cid walba na taageerayso” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ugu danbayntii Waxaa labada Wasiir kala saxiixdeen qoraalkii xil wareejinta, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...