Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Sudan uga qeyb geli doona shir muhiim ah

Date:

Wafdi uu hor kacayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ibraahiim Iidle Saleebaan ayaa gaaray Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Wafdigan Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gollaha Sare ee Garsoorka Suudaan ahna Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Suudaan Diktoor Xaydar Dafacallah, iyadoo dhanka kalena ay soo dhaweeyeen diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ku  sheegay in Suudaan ay u yimaadeen isagga iyo wafdigiisaba  ka qayb galka shirka Madaxda Maxkamaddaha Sare ee dalalka Africa.

“Wafdiga waxa uu ka koobanyahay aniga iyo howlwadeeno garsoorayaal ah, ujeedka safarkeena waxa uu yahay in aan ka qeyb galno shir balaaran oo Garsoorka Afrika loogu qabanayo magaalada Khartuum mudada u dhexeysa labada ilaa iyo afarta bisha afaraad, kaasi oo ay is weydaarsanayaan Maxkadaha sare ee Afrika, oo diirada lagu saari doono dhanka qibradda” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Shirka Madaxda Maxkamadaha  Africa ayaa lagu wadaa in maalinta Berri ah uu ka furmo Caasimada dalka Suudaan ee Khartoum, iyadoo diirada lagu saari doonno Garsoorka Africa.

Maxamed Cabdiqaadir Axmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...