Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

Date:

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada is-nidaaminta warbaahinta, horumarinta saxaafadda, anshaxa mihnadda iyo maareynta cabashooyinka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika ayaa labada dhinac ku soo bandhigeen khibradahooda ku aaddan nidaamka cabashooyinka iyo xalinta khilaafaadka warbaahinta.

Guddoomiyaha Golaha Warbaahinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto), ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Koonfur Afrika martigelinta, iyadoo labada gole ay isku afgarteen in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo hawlaha wadajirka ah.

Agaasimaha Fulinta Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika, Dr. Phathiswa Magopeni, ayaa Golaha Warbaahinta Soomaaliya ugu hambalyeysay xubinnimada buuxda ee Midowga Golayaasha Warbaahinta Afrika ee Madaxa Bannaan (NIMCA).

Intii uu kulanku socday, dhinaca Soomaaliya ayaa soo bandhigay sharciga, qaab-dhismeedka iyo howlaha Golaha Warbaahinta Soomaaliya, halka dhinaca Koonfur Afrika uu sharaxaad ka bixiyay habka loo maareeyo cabashooyinka iyo waajibaadka Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika.

Golaha Warbaahinta Soomaaliya waxaa la aasaasay sannadkii 2024, wuxuuna shaqadiisa ku fuliyaa sharciga warbaahinta dalka. Sidoo kale, sannadkan wuxuu helay xubinnimo buuxda oo ka tirsan ururrada caalamiga ah iyo kuwa Afrika ee golayaasha saxaafadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...