Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeyb-galay Munaasabadda daah-furka Ololaha diiwaangelinta Codbixinta Deegaannada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda diiwaangelinta ayaa waxaa ka qeyb-galay mudanayaal ka tirsan golayaasha Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu horeyey ee qaata Shahaada diiwaangelinta Codbixiyaasha ayaa bulshada Koonfur Galbeed kula dardaarmay, inay isdiiwaangelinta ka qeyb qaataan Doorashooyinka Qofka iyo Codka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...