Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Joachim Waern oo ay dhammaatay muddo xileedkiisii diblumaasiyadeed ee dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Danjire Joachim, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyo arrimaha bini’ aadannimada, Caafimaadka, waxbarashada, iyo la dagaallanka saboolnimada.

Danjire Joachim Waern, oo dhankiisa mahadceliyey kulanka sagootinta ah Ra’iisul Wasaaraha uga,ayaa tilmaamay in muddadii uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen wada-shaqeyn iyo garab istaag.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dowladda Sweden, si danaha shacabka Soomaaliyeed loogu gaaro wax-wada-qabsi iyo iskaashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...