Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda UNOPS ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay dardargelinta mashaariicda dib-u-dhiska waddooyinka caasimadda iyo hirgelinta biyo-mareenno tayo leh, si xal waara loogu helo daadadka, biyo-fadhiisiga iyo caqabadaha ka jira waddooyinka.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shirkadaha ka shaqeeya dhismaha kaabayaasha, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo guul ka timaadda dhismaha waddooyinka iyo biyo-mareennada, maadaama caqabadahaasi yihiin kuwa ugu weyn ee haysta bulshada caasimadda.

Madaxa UNOPS ee Soomaaliya, Mudane Alaโ€™s Namer, ayaa tilmaamay in hawlgalkoodu uu san ku ekeyn dhismaha kaliya, balse ay xooga saarayaan gudbinta karaanka iyo aqoonta dhanka dhismaha kaabayaasha, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo ku filan hirgelinta iyo maaraynta kaabayaasha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...