Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay jiidaha dagaalka Shabeellaha Dhexe

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ku tagay furumaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay kamid tahay aaga Masaajidka Cali Gaduud, halkaas oo ciidanka geesiyaasha ah ee xoogga dalka ay si adag ugu baacsanayaan kooxaha Khawaarijta.

Kormeerkan ayaa yimid iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga Dalka ay guulo is-daba joog ah ka gaareen dagaallo culus oo ay kula jireen Khawaarijta, kuwaas oo lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, lagana xoreeyay deegaanno dhowr ah.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamadda ku sugan jiida hore ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibkooda Qaran, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dagaalka ilaa laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibka iyo gabood fallada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka tarjumayaan kartida iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ciidanka Xoogga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay siiwadaan garab istaaga ciidamadda geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...