Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qeyb-galay Shirweynaha Isku xirka Caalamiga ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya โ€™ Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah โ€œGlobal Connectivity Forumโ€ oo ka furmay magaalada Istanbul, Tรผrkiye.

Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tรผrkiye, Mudane Recep Tayyip ErdoฤŸan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Tรผrkiye. Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.

Halku-dhigga madasha ee ahaa: โ€œIsku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahaynโ€ (Seamless Connectivity, Limitless Possibilities), ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood.

โ€œAnagoo ka duuleyna muhiimadda ay badaha Soomaaliyeed u leeyihiin juqraafi ahaan dunida isku xirka qaaradaha, waxaa naga goโ€™an horumarinta dekedaha dalkeenna. Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dhismaha dekedo kala duwan sida kuwa ganacsiga iyo kalluumeysiga oo ay ugu horeyso Dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya goob gananci oo aan u aragno il dhaqaale oo weyn iyo fursad shaqo abuur ballaaran u horseedi karta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradaโ€.

Xukuumadda dan-qaran waxaa ka goโ€™an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...