Wasiirka Dekedaha XFS oo ka qeyb-galay Shirweynaha Isku xirka Caalamiga ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ’ Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta ka qeyb-galay Shirweynaha Madasha Isku Xirka Caalamiga ah “Global Connectivity Forum” oo ka furmay magaalada Istanbul, Türkiye.

Madashan oo uu daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye. Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa isku xirka caalamiga ah si kor loogu qaado ganacsiga iyo isgaarsiinta dhinacyada dhulka, badaha, iyo hawada.

Halku-dhigga madasha ee ahaa: “Isku xirnaan aan hakad lahayn, fursado aan xad lahayn” (Seamless Connectivity, Limitless Possibilities), ayaa waxa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socday in ka badan 70 Dowladood.

“Anagoo ka duuleyna muhiimadda ay badaha Soomaaliyeed u leeyihiin juqraafi ahaan dunida isku xirka qaaradaha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha dalkeenna. Waxaan mudnaan gaar ah siin doonaa dhismaha dekedo kala duwan sida kuwa ganacsiga iyo kalluumeysiga oo ay ugu horeyso Dhismaha Dekedda Cusub ee Muqdisho, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya goob gananci oo aan u aragno il dhaqaale oo weyn iyo fursad shaqo abuur ballaaran u horseedi karta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada”.

Xukuumadda dan-qaran waxaa ka go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...