๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ Xalay ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐’๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐ฎ ๐’๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐๐๐จ ๐—๐ข๐ฅ๐ž๐ž๐๐ค๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐ฒ

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa caawa kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay ๐Œ๐ซ๐ฌ. ๐Š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ง๐š ๐’๐ฏ๐ž๐ง๐ฌ๐ฌ๐จ๐ง oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku egyahay dabayaaqada bishaan.

Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaagsan la soo qabatay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya. Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoonsiiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hayโ€™adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hayโ€™adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka baniโ€™aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...