Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Date:

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xariga ka jaray bandhigga ganacsiga waafaqsan shareecada Islaamka, kaasoo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bandhiggan ganacsi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 70 shirkadood oo ka kala socday dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kuwa ka socday dalalka kale ee caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo munaasabadda daahfuray ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in tani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in barnaamijkan la gaarsiiyo guud ahaan gobolka.

“Ganacsiga xalaasha ah waxa uu noqday mid caalamka si xooggan uga taabagalay. Wadamada Afrikaana aad uga shaqeeya hadda, dhaqaale aad u fara-badan oo malaayiin dollar ah ayaa ku baxa,” ayuu yiri Danjire Jabriil, isagoo hadalkiisa ku daray, “Lacagaha la filayo inay gaaraan saddex trillion, dhowrsano kadibna waxaa la filayaa in meesha ugu sareysa ay gaarto.”

Danjiraha ayaa xusay in ganacsatada isugu timid madasha ay fursad u heystaan inay soo bandhigaan ganacsi xalaal ah.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa tilmaamay in Safaaradda oo kaashaneysa mas’uuliyiinta Safaaradda Thailand ay qorsheynayaan inay qabtaan madal lagu soo bandhigi doono ganacsiga xalaasha ah iyo kaalinta bulshada uga aadan inay ka qaataan fursadaha maalgashi iyo ganacsi intuba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...