Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di martino ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada Macawisley ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta eek a socda dalka.

Ujeedka Booqashada Wasiirka ayaa ah u kuur galidda xaaladda dhaawacyada,isaga oo mid mid u kor tagay, waxaana uu kulan la qaatay Maamulka sare ee Isbitaalka oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladahooda iyo adeegyada loo qabtay.

Wasiir Daahir ayaa u rajeeyey halyeeyada bogsiino deg deg ah waxaana uu u sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba ay si buuxda u garab taagan yihiin, daryeel caafimaad oo dhammeystirana ay heli doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...