๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ฌ๐š๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐ž๐ฒ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐ž๐ฒ

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furey Shirka Sanadlaha ah ee qiimeynta iyi dib u eegista Caafimaadka dalka oo socon doona muddo sedax cisho ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Mohamed Hassan Bullaale, Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle, Saadaq Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Axmed Maxamuud, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, masโ€™uuliyiin ka socdey Wasaaradda Qorsheynta XFS, xubno sare oo ka socdey dowlad goboleedyada, Heyโ€™adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Bangiga aduunka, GFF iyo marti sharaf kale.

Kulankan sanad laha ah waa kulankii ugu horreeyey ee noocan ah la qabto waxaana lagu lafa guri doonaa in howlaha Caafimaadka ee ka socda dalka caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xal waara iyadoo laga sii fakarayo ajandayaasha Caafimaadka ee dalkeen kaas oo la jaan qaadayo qorshaha Isbedalka Qaranka ee NTP, si loo helo Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goob kasta.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hayโ€™adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...