Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka lana hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay in Soomaaliya dadaal dheer ka dib ay ku guuleysatay in laga nadiifiyo lacagihii dalka lagu lahaa. Waxaa uu sheegay in bixinta lacagta oo laga dhiibay sanduuqa Soomaaliya ay iska kaashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, taasi dadaal dheeraad ah galiyey.

Waxaa uu intaasi ku daray arintaan ay kaalin ka qaadaneyso Diblomaasidda xooggan ee Dowladda Soomaaliya ku wajahday siyaasaddaha gudaha iyo Dibadda. Sidoo kale, waxaa uu amaanay doorka Dowladda ay qaadatay 3-dii sano ee la soo dhaafay ee ku aadanaa in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleysteen in dhul baaxdan weyn ay gacanta kaga dhigeen kooxda Khawaarijta, taasi oo sahashay in dalku ku talaabsado guullo is daba joog ah.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladaha aanan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...