Wasiirka Shaqada oo faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur oo dowladda la gashay Sacuudiga

Date:

-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan,oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur loogu sameynayo dhallinyarada ee dowladda dhawaan la gashay sacuudiga.

Wasiirka shaqada ayaa sheegay

Shaqooyinkaasi aya ka faa’ideysan doonaan dhallinyarada leh xirfadaha kale duwan iyo kuwa aan la hayn intaba si shaqa loogu abuur dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Shaqooyinka sacuudiga heshiiska aynu kula soo galnay waxay isku jiraan dhallinyarada xirfadaha shaqada leh iyo kuwa aan xirfadda lahayn”.

Waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciya Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada in heshiiskan uu soo maray habraacyadii loogu tala galay,dhallinyaradana la rabo in ay aaminaan.

“Heshiiska dhinaca shaqada ee aan la galnay dowladda Sucuudiga waxaan rabnaa in dhallinyaradu aaminaan, maxaa yeelay waxa uu soo maray habraacyadii loogu tala galay”. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan

Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada Sucaad Cabdullaahi Macallin ayaa sheegtay in shaqooyinkaasi loo marayn doono hab raac sax ah.

“Dhallinyarada Sacuudiga ka shaqeyntooda wax musuq maasuq ah ma jiri doono, Waxaa lagu qaadanayaa oo ay marayaan hab raac sax ah”Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...