Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Badqabka Kalluunka oo ka furmaya magaalada Muqdisho.

Date:

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Tayada iyo Kormeerka Badqabka Kalluunka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya wasiirro, xildhibaanno, xubno ka socda bahda kaluumeysiga, iyo wakiillo ka socda hay’ado caalami ah. Ujeedada shirka ayaa ah in la dhiso guddi si rasmi ah u kormeera tayada kalluunka, badqabka cunistiisa iyo horumarinta habraacyada hubinta tayada kalluumeysiga Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo qorshayaal lagu horumarinayo warshadaha kalluumeysiga, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta tayada iyo badqabka kalluunka, si loo hubiyo in uu u qalmo suuqyada gudaha iyo dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...