Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Date:

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Ethiopia oo isku afgartey in meesha laga saaro heshiiskii muranka dhaliyey ee badda Soomaaliya, kuna heshiiyay in la furo bog cusub oo xiriirka laba dal la xiriira.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah magaalada Ankara kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan, kana wadahadley xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

3-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis iyagoo ka wadahadley la-dagaalanka aragagaxisada iyo hanaanka doorashooyinka tooska ah ee dalka loo qorsheynayo.

4-Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo isla Xisaabtan.”

5-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, kadib falkii uu ku weeraray deegaanka Raas Kaambooni.

6-Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.

7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

8-Golaha Aqalka Sare ayaa kulan duco ah u sameeyay Alle ha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

9-Kulan dadweyne oo looga hadlayey arrimaha dastuurka oo ka dhacay Muqdisho.

10-Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dalka dib loogu soo celiyo 100 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay musiibadii doomihii ku qalibmey xeebaha Jaziirada Madagascar.

11-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo laba diyaaradood oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaas oo siday hub sharci-darro ah.

12-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika ( Africa Financial Summit) oo lagu qabtay magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

13-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaraddu Warfaafinta ay martigelisay.

14-Afar cutub oo ka mid noqonayaa ciidamada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa magaalada Isparta ee dalka Turkiga loogu soo xiray tababar.

15-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka qeybgalay madasha Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay in warbaahintu kaalin mug leh ka qaadatay dagaalka ka dhanka argagixisada.

16-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Xamza Aadan Xaadoow ayaa kulan la qaatey Madaxa Hayโ€™adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

17-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dalka Imaaratka Carabta uga qaybgalay shirka Guddiga Joogtada ah ee Wasaaradaha Warfaafinta dalalka Carabta.

18-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa magaalada Beijing kulan kula yeelatay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Ambassador Xue Bing.

19-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa kulan la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala.

20-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Dhab u Heshiisiinta Qaran,kaas oo hirgelintiisu ay bilaabaneyso sannadka 2025.

21-Banaanbax lagu taageerayo qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay isugu soo baxeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

22-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaai ayaa kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.

23-Ergayga Madaxwaynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Raydka Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa si rasmi ah u soo xiray Madasha Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka kaas oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

24-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antรณnio Guterres ayaa soo dhoweeyay isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku dhex marey magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

25-Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka caalamka qaarkood ayaa soo dhoweeyay isku dhowaanshaha Soomaaliya iyo Ethiopia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale