Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameynayo maamulka gooni u goosadka G.W Soomaaliya.

Date:

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameynayo maamulka gooni u goosadka ah ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya, iyada oo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah inuu yahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, wadajirka dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah.

Soomaaliya waa dowlad madaxbannaan oo si caalami ah loo aqoonsan yahay, Dowladda Federaalka Soomaaliyana waa hay’adda keliya ee sharciyan u awoodda inay dalka ku metesho xiriirrada caalamiga ah.

Wasaaraddu Arrimaha Dibadda waxay adkeynaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed ama nooc kasta oo kale ah oo lala yeesho maamulka gooni u goosadka ah, iyadoo la hareer marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ka hor imanayo sharciga caalamiga ah isla markaana aanu lahayn wax sharciyad ama miisaan siyaasadeed ah.

Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada caalamiga ah inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana cambaareeyaan tallaabooyinka wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dowladda Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah, iyada oo adeegsanaysa waddooyin diblomaasiyadeed, sharci iyo habab kale oo ku habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, wadajirka dhulkeeda iyo midnimada qarankeeda.

Soomaaliya waxay weli ka go’an wada-hadal nabadeed, xasilloonida gobolka iyo iskaashi wax-ku ool ah oo ay la yeelato dhammaan saaxiibbadeeda.

Hase yeeshee, ma aqbali doonto tallaabo kasta oo ku xadgudbaysa madaxbannaanideeda ama halis gelinaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...