Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq 

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam oo Safar shaqo ku jooga magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq, ayaa kulan looga hadlayay iskaashiga dhanka Caafimaadka labada dowladood la qaatay dhiggiisa Wasiirka Caafimaadka Ciraaq Dr. Saleh Mehdi Al-Hasnawi.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Latiyaha 1-aad ahna kusimaha danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ciraaq mudane Cabdifatax Sheekh Axmed.

Wasiirka ayaa Dowlada Iraq ku booriyay isdhaafsiga khibradaha Caafimaad iyo taageeradooda ku aadan tababaridda dhaqaatiir soomaaliyeed taasoo uu soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ciraaq isagoo xusay in ay si degdeg ah uga shaqayn doonaan sidii dhaqaatiir soomaaliyeed ay Deeqo-waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq.

Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahadnaqay dhiggiisa Ciraaq Dr Saleh Mehdi Al-Hasnawi soo dhawaynta diiran ee ay Dowladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaa wadanka Ciraaq iyo marti galinta meertada 61-aad ee shirka Golaha Wasiirada caafimaadka carabta, waxa uu sidoo kale bogaadiyay balanqaadka dowlada Ciraaq ee tababaridda dhaqaatiirta soomaaliyeed si dalkeenu u helo xirfadlayaal caafimaad oo tayadoodu sarayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...