Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kormeer ku tagay xaruntii dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere oo dib-u-dhiskeeda si buuxda loosoo gabagabeeyey, isla markaana la filayo in dhowaan si rasmi ah xarigga looga jaro.

Kormeerka oo sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Cilmi (Cabdul) ayaa inta uu socday waxaa warbixin laga siiyey heerarka kala duwan ee howlaha socda oo ay ka mid yihiin u guurista xarunta cusub, howlaha dhireynta iyo qurxinta deegaanka, qalabeynta xafiisyada iyo heerka diyaar-garowga munaasabadda xarig-jarka ee xarunta cusub.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ah hooyada Wasaaradaha dalka ayaa dhowaan la filayaa in 35 sano kadib u guurto, dib ugu adeegto shacabka xarunteedii dhexe ee Boondheere, taasi qayb ka ah aragtida xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha hay’adaha dowliga ah ee danta guud iyo tayeyntooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...