Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Date:

Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toos uga qeyb qaadanaya howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka oo saldhig ka sameystay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xogga General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay muhiimadda xiligan u leedahay in Baydhabo soo gaaraan Diyaaradaha ciidanka Cirka, kuwaas oo uu sheegay inay door muuqda ka qaadan doonaan soo afjaridda khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa halkaasi.

“ Waxeenna waan ilaa-shaneynaa diyaaradahan waa kuwa muhiim inoo ah xiligan marka laga eego dhanka cirka, tani waxay inoo tahay maanta farxad aan la soo koobi karin, isagoo bogaadiyey Madaxda Qaranka dadaallada dib loogu dhisayo ciidanka Cirka oo uu sheegay inay muhiim gaar ah u yihiin xiligan oo Tiknoolajiddu gaartay meel casri ah” ayuu yiri Taliye Xasan Baydhabo.

Dhanka kale madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey diyaaradaha magaalada Baydhabo soo gaaray, iyagoo sheegay tan iyo 1991-dii kadib maanta Ciidanka Xoogga dalka heleen diyaaradahan muhiimka u ah howlgalka khawaarijta ka dhanka ah ee ka socda dalka.

Dhankooda Askarta ayaa la qiirooday inay arkaan qeybta 60-aad ee Xoogga dalka oo saldhigooda soo caga-dhigteen diyaarado u gaar ah Xoogga Dalka, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim ah, una baahnaayeen inay helaan diyaaradaha noocan ah si dhanka cirka uga qeyb-qaataan la dagaalanka khawaarijta.

Diyaaradaha Ciidanka Cirka ayaa dhawaan bilaabay inay la howlgalaan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb muhiim ka qaadanaya howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...