Wasiir Dowlaha Caafimaadka oo furtay kulan lagu tageerayo shaqo Gelinta Hay’adda Maareynta Dawada  

Date:

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo furtay Kulan lagu Taageerayo Shaqo Gelinta Hay’adda Maareynta Daawada Soomaaliya iyo dhaqan gelinta Axdi Qaarameedka Tayada Daawada Afrika oo ay taageereyso Hay’ada Horumarinta Midowga Afrika ee AUDA-NEPAD.

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Taageeridda shaqo Gelinta Hay’adda Maareynta Daawada Soomaaliya oo ay taageereyso Hay’ada Horumarinta Midowga Afrika ee AUDA-NEPAD oo ay Goobjoog ku yihiin Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Axmed Xuseen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Guuled Abdijaliil, Agaasimaha ku Meel gaarka ah ee Hay’ada Maaraynta Daawada Daawada Soomaaliya Dr. Faarax Sharaawe, Masuuliyiin ka socda Hay’ada AUDA-NEPAD iyo Qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada iyo Madax Qeybeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo Xubno kale.

Shirka oo Socon doona Muddo Sadex Casho ah, ayaa lagu lafa guri doonaa sida Hay’ada Maaraynta Daawada Soomaliya ay u Noqon lahayd Mid Howl Gasha oo ay u dhamystiranyihiin Habraacyada Caalamiga ah, iyadoo la jaanqaadeysa Hay’adaha Tayada Daawooyinka Adduunka iyo Sidoo kale sidii Soomaaliya looga dhaqan gelin karo Axdi Qaarameedka Tayada Daawada Afrika.

“Hay’adan oo si dhab ah u Shaqaysaa waxay tusaale u tahay Sida ay nooga Go’antahay inaan Dhisno Hanaanka Guud ee Caafimaadka Dalka” ayay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama ku sheegtay Qudbad ay ka jeedisay Furitaanka Kulanka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa ka Go’an in ay Xaqiijiso in Hay’ada Maaraynta Daawada Soomaaliya ay Noqoto mid Howlgasha oo ay u dhamaystiranyihiin Shuruucda iyo Habraacyadeeda Shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...