Horjooge ka tirsan khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Date:

Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi oo ka tirsanaa khawaarijta, ayaa isu soo dhiibay guutooyinka Ciidanka xoogga dalka ee uu fadhigoodu yahay degaanka Farlibaax oo 45 km galbeed kaga beegan Baladweyne.

Aaden Raabbi ayaa sheegay inow ku qaldamay Khawaarijta shalay,Markii uu ku biirayay ay ka aheyd Diin difaacid,Balse markii uu arkay inayna wadin wax diinta islaamka shuqul ku leh,ayow garawsaday inow iskaga soo baxo,Nimankaas Khawaarijta ah.

Khawaarijta ayaa muddooyinkaan iskaga soo baxayeen dhallinyaro farabadan oo ay ku khaldeen ka been abuurashada diinteena Suuban.

Guddoomiyaha degaanka Farlibaax Axmed Aaden Xasan ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku hayaan laba xubnood oo ajaaniib ah kana tirsanaa khawaarijta kadib howlgallo ay ka fuliyeen Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka nawaaxiga Farlibaax, wuxuuna xusay in ay u gudbin doonaan maamulka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...