Wasiirka Arrimaha Gudaha XFSย oo kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda oo dhawaan la baneeyay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ย  ayaa maanta kormeeray dhismaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhawaan la baneeyay.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxda ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta Wasaaradda, waxa ayna u mahadceliyeen shacabkii halkaasi deganaa garowshiyaha ay ka muujiyeen in ay baneeyaan xarunta Wasaaradda kadib markii loo soo baahday xarunta in dib-u-dhis lagu sameeyo isla markaana ay ku shaqeyso Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale