Madasha Horumarinta Soomaaliya oo laga ka furmatay Magaalada Muqdisho

Date:

Magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah waxaa ka furmay Madasha Horumarinta Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo Dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon doono muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan oo ka hadlay madasha ayaa ku  bogaadiyay Macahadka Heritage iyo Jaamacadda City dowrka weyn ay ku leeyihiin dowlad dhiska.

“Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahayn.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Bixi Iimaan Cige

“Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage, Mudane Mursal Saney.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay madasha aya yiri “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...