Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga dagaallanka fikirka xagjirka

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...