Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Casho sharaf u sameeyay mudane Joseph Ntakirutimana

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

kulanka oo ka dhacay hoyga Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo maanta loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.Kulanka oo sidoo kale lagu soo dhoweynayay wafdiga ka socday baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa mudane. Joseph Ntakirutimana ayaa guddoonka golaha shacabka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyay horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban jeediyay jeediyay ayaa wafdiga ka socda baarlamaanka EAC la wadaagay muhiimadda ay Baarlamaanka Soomaaliya u leedahay in wafdigan dalka booqasho ku yimaadaan iyo in dalkeena uu xubin rasmi ah ka noqdo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa hadiyado guddoonsiiyay guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa iyo wafdigiisa, iyadoo dhanka kalena wafdiga ka socday baarlamaanka EAC hadiyado guddoonsiiyeen guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...