Wasiirka Warfaafinta XFS oo dalka Bahrain uga qeybgaley shirka Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Date:

Manama, 29 May 2024: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Bahrain uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabbad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama yaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain oo martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta. Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...