Wasiirka Warfaafinta XFS oo dalka Baxreyn kula kulmay dhigiisa dalkaas

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxreyn kula kulmay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Baxreyn Dr. Ramzan bin Abdullah Al Nuaimi.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, iyadoo la isla gartay in labada dhinacba ay si deg deg ah uga shaqeeyaan arrimahaas.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u mahadceliyey Boqortooyada Baxreyn soo dhoweynta iyo martigelinta shirka 54-aad ee Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Carabta, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay mowqifka cad ee Boqortooyada Baxreyn ka qaadatay dhowrista , wadajirka iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Baxreyn ayaa carabka ku adkeeyay sida qotada dheer ee xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Boqortooyada Baxreyn iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah, kaas oo ka muuqda horumar is daba joog ah oo ka tarjumaya sida ay ugu heelan yihiin labada dal ee walaalaha ah si loo gaaro dano guud.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa magaalada Manama uga qayb galay shirka Wasiirrada Warfaafinta dalalka Carabta meertadeeda 54-aad kaas oo arrimo muhiim ah oo la xiriira danaha waddamada Carabta looga hadlay.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Ugaandha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo Shir Madaxeedka EAC-SADC

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed...

Hantidhowraha Guud ee JFS oo kulan la yeeshay Hantidhowrka Masar 

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise...

Madaxweynaha JFS oo xoojiyey baaqa Golaha Wasiirrada ee Dagaalka ka dhanka ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...