GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA QEYB GALAY SHIRKA GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA EAC.

Date:

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA QEYB GALAY SHIRKA GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA EAC.

Nairobi, Kenya, 29 May 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bulshada Bariga Africa (EAC) oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Shirkan oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka ayaa guddoomiyaasha ka qeybgalay furitaankiisa waxa ay ka hadleen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka ayaa marka hore dowladda Iyo shacabka Kenya uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sidoo kale sheegay in shirkan uu ku soo beegmay wakhti loo baahnaa muhiimna uu u yahay howlaha ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in Soomaaliya si la mid ah dalal badan oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ay sanadihii u dambeeyay la kulmaysay caqabado badan, hadana, adkeysi, go’aan, iyo taageerada saaxiibada gobolka ay sameysay horumarro la taaban karo oo ay kaga gudubtay caqabadahaas.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay isbedelada horumarka ee hada dalka ka socda ayaa yiri:- “Soomaaliya maanta waxay cagta saartay wadadii horumarka iyo soo kabashada, dhaqaaluhu waa uu kobcayaa, xaaladda ammaankuna waa soo hagaagaysaa, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwa firfircoon, waxayna  hamuun u qabaan inay dhistaan mustaqbalkooda “

Ugu dambeyn waxa uu Guddoomiyaha sheegay Soomaaliya in diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato horumarka Bariga Afrika islamarkaana ay noqoto dal xubin firfircoon ka ah ururka, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka go’antahay wada shaqeynta saaxiibadiisa Bariga Afrika si loo dhiso mustaqbalka nabada, xasilooni iyo barwaaqo ay helaan dhamaan Bulshada Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo ka qaybgalay Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo Difaaca ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala...

Wasiir-dowlaha Gaashaandhigga oo marti-galiyay Kulan looga hadlaayo illaalinta Carruurta 

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa marti-gelisay kulanka seddex biloodka...

Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Xarardheere

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, Qeybta...