Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeer ku tagay Deegaano ay ka socdaan Howlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

Date:

Saraakiil uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar  kormeer iyo dhiiri gelin  ku tegay Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa lakulmay Ciidanka qaranka eek u sugan deegaanada kala ah Bariire, lambar 50, lambar 60, iyo deegaanka  Buufoow-bacaad.

Socdaalka kormeerkaan ayaa waxaa taliyaha Lugta ku wehliyay taliyaha guutada 14 Oct ee Ciidanka  Xogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey) iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle   ayaa ciidankii uu la kulmay ku dhiiri galiyay sidii casharada adag ugu dhigeen khawaarijta nafla-caariga ah, sidoo kole taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay adkeeyaan Difaaca dalka iyo Dagaalka Khawaarijta.

Ciidanka qaranka ayaa maalmihii ugu danbeeyay Howlagalo sifeyn ah kawaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo khaaarijtu kasoo maleegaysay Dhagar ay la doonayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dhagar-qabayaasha ayaa todobaadkaan wajahay howlgalo jab-xooggan lagu gaarsiiyay.

taliyaha Lugta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...