Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeer ku tagay Deegaano ay ka socdaan Howlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

Date:

Saraakiil uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar  kormeer iyo dhiiri gelin  ku tegay Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa lakulmay Ciidanka qaranka eek u sugan deegaanada kala ah Bariire, lambar 50, lambar 60, iyo deegaanka  Buufoow-bacaad.

Socdaalka kormeerkaan ayaa waxaa taliyaha Lugta ku wehliyay taliyaha guutada 14 Oct ee Ciidanka  Xogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey) iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle   ayaa ciidankii uu la kulmay ku dhiiri galiyay sidii casharada adag ugu dhigeen khawaarijta nafla-caariga ah, sidoo kole taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay adkeeyaan Difaaca dalka iyo Dagaalka Khawaarijta.

Ciidanka qaranka ayaa maalmihii ugu danbeeyay Howlagalo sifeyn ah kawaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo khaaarijtu kasoo maleegaysay Dhagar ay la doonayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dhagar-qabayaasha ayaa todobaadkaan wajahay howlgalo jab-xooggan lagu gaarsiiyay.

taliyaha Lugta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...