Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 1-aad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Sida sharciga tartanka qabo marka labo degmo ay isku dhibco noqdaan, waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo inay midkood u soo gudubto wareegga xiga ee tartanka.

Su’aalihii dheeraadka ahaa ee la weydiiyay labada degmo ayaa ugu horeyn Tartamayaasha degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxa ay ka jawaabeen su’aashii 8-aad ee dhankooda halka Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ay iska qalbeen balse Dhuusamareeb kama aysan faa’iideysan, waxaana sidaas wareegga sideed dhamaadka u gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb.

Hadaba kulankii 17-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 16-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.

 

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim...

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...