Ingiriiska oo sheegay in ay ixtiraam u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Date:

Dowladda Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisayย  in ay ixtiraam buuxa u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

,โ€œIngiriisku waxa uu ka walaacsan yahay xiisadaha sii kordheysa ee Geeska Afrika,sidaa daraadeed,Waxa ay ku baaqeen in la is xakameeyo oo la wada hadlo,isla markaana si nabad ah lagu dhameeyo xiisadaha jiraโ€ayuu yiri safiirku.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in ay dib u cusboonaysiiyeen taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiis beenaad ay wada gaareen maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya,waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid halis ku ah deris wanaaga.

Isniintii, Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixday waxa lagu tilmaamay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in Itoobiya ay marin u hesho badda cas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...