Wasiirka Kalluumegsiga XFS oo saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 6 cutub  iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha lasocdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faahfaahinaya ujuurooyinka, curaarta iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqdaha kale ee Kalluumeysi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...