Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa

Date:

Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa ( East African community)

wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda Mr. Abubakhar Jeje Odongo ka sheegay oo Magaalada Kampala kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Madaxweynaha ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha  bariga Africa Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa arrintaan ka dhawaajiyay.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa wasiirka uga waramay heerka ay marayso codsiga xubinimada Soomaaliya ee EAC isagoo uga warbixiyay shirkii guddiga farsamada ee lagu qabtay Muqdisho bishii janaayo 2023 kaasoo lagu eegayay u diyaarsanaanta Soomaaliya ee xubinimada ururkaas, shirkaas oo ay natiijo fiicani kasoo baxday.

Dr. Cabdisalaan Hadliye  ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda  in Soomaaliya eey ka doonayso dalka Uganda taageero si loo meelmariyo xubinimo buuxda oo Soomaaliya ka hesho ururka (EAC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Uganda oo kulanka ka hadlay ayaa u sheegay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha in dalka Uganda uu si buuxda u taageersan yahay kusoo biiridda Soomaaliya ee ururka EAC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...