Dowladda Uganda oo sheegtay in si buuxda u taageersan tahay kusoo biiritaanka Soomaaliya urur goboleedka iskaashiga dhaqaalahaย bariga Africa ( East African community)
wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Uganda Mr. Abubakhar Jeje Odongo ka sheegay oo Magaalada Kampala kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Madaxweynaha ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalahaย bariga Africa Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa arrintaan ka dhawaajiyay.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa wasiirka uga waramay heerka ay marayso codsiga xubinimada Soomaaliya ee EAC isagoo uga warbixiyay shirkii guddiga farsamada ee lagu qabtay Muqdisho bishii janaayo 2023 kaasoo lagu eegayay u diyaarsanaanta Soomaaliya ee xubinimada ururkaas, shirkaas oo ay natiijo fiicani kasoo baxday.
Dr. Cabdisalaan Hadliyeย ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ugandaย in Soomaaliya eey ka doonayso dalka Uganda taageero si loo meelmariyo xubinimo buuxda oo Soomaaliya ka hesho ururka (EAC).
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Uganda oo kulanka ka hadlay ayaa u sheegay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha in dalka Uganda uu si buuxda u taageersan yahay kusoo biiridda Soomaaliya ee ururka EAC.

