Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka qayb galay shir looga hadlayay Nidaamka diblomasiyadeed

Date:

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobey xafiiskeeda dalka Shiinaha ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxweynihii hore ee dalka Slovenia Danilo Türk oo xubin ka ah Guddiga sare ee arrima dib u eegista nidaamka multilateralism ee uu magacaabey xoghaya guud ee qaramada midoobay António Guterres 2020. waxaa sidoo shirka lagu casumay qaar ka mid ah Danjirada iyo diblumaasiyiinta ka howlgala dalka Shiinaha.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane oo shirkaas ka qayb galay ayaa halkaas ka jeediyay qudbad kooban oo kusoo dhaweeyay in muhiim tahay in dalalka aduunka ka hadlaan sidii iskaashi dhinacyo badan ah dalalka aduunka u sameysan lahaayeen iyo siyaaba ugu quman ee lagu xoojin karo nidaam guud ee diblomaasiyadeed ee Multilarealism-ka loo yaqaan .

Asaaska gudiga heerka sare oo ay ku jiraan madaxweyna yaal hore ayaa fakirkiisa kasoo bilaabatay xoghaya joogtada Qaramada Midoobey sanadkii 2020 sidoo kale waxaa uu u xilsaarey gudiga in ay ka soo tala bixiyaan habka laguwanaajin lahaa nidaamka diblomaasiyada iyo wada shaqeynta guud ee lo yaqaan effective multilateralism. Seminarka ama shirkaan ayaa daba joogay xog is wedaarsiga guud ee la xiriirta arrimaha kor ku xusan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...