Shirka Howlgalka Ciribtirka Khawaarijta oo Muqdisho ka furmay (SAWIRO).

Date:

Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

U jeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeybgali doonaan ciidamada dalalka dariska.

Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey, wasiirka gaashaandhigga JFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyadoo ay ka qeybgaleen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya wasiirada amniga dowladda goboleedyada oo lagu casuumay,Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...