Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida  arrimaha SOOMAALILAND oo hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare

Date:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida  arrimaha SOOMAALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.

Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas.

Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...