Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta guddoomiyeyay shir ay golahu ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Sharcigan cusub ayaa muhiimad gaar ah siinaya in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka ayaa uga mahadcelisay guddoonka iyo senatorada aqalka sare ansixinta Hindise-Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan ayaa golaha shacabka meelmariyay March 1, 2023 halka golaha Aqalka Sarena ay maanta gudbiyeen, waxaana haray saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...