Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland

Date:

Waxaa dardar ku socda howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada Jubbaland kuwaas oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Madaxda qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay doorkooda ka qaataan qorshyeyaasha dib u xoreynta iyo horumarinta deegaannada Dowlad gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku booriyay ciidamada huwanta ah dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaq-dhaqaaqa iyo howlgallada bilowga ah ayaa wal-wal iyo cabsi xooggan ku abuuray Khawaarijta, kuwaas oo hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaannada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ay jilibka u dhigeen weeraro fulaynimo oo ay maleeshiyada Khawaarijta soo abaabuleen, kuwaas oo dhawaan ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalla, waxaana halkaas argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo mahadho ku reebay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada isgarabsanaya ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeennu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.

Ugu dambeyntii, ciidamada qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa guulo wax ku ool ka soo hooyay dagaalladii ugu dambeeyay ay la galeen Khawaarijta. Dowladda federaalka ayaa sii xoojineysan doorkeeda howlgallada socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...