Guddiga Warfaafinta ee golaha shacabka BFS oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka Dhowrista xogta

Date:

Guddiga Warfaafinta,wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan, Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji Jeego waxa ay ku yeeshay xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

kulanka oo ahaa kulanka todobaad ee guddiga waxa uu Ajendihiisu ahaa ka doodista iyo diyaarinta Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka Dhowrista xogta, kaasoo horey akhrinta labaad u maray loogana dooday kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga ayaa isla falanqeeyey qodobada hindise sharciyeedkan si loogu daro fikradaha iyo talooyinka ay xildhibaanadu ka dhiibteen ka dibna golaha dib loogu celiyo si loo marsiiyo Akhrinta sedaxaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...