Marwada Madaxweynaha  Maamo Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso

Date:

Marwada Madaxweynaha JFS Maamo Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego maanta oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lahaayeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda kasoo qaateen hanaanka dowlad-dhiska dalkeenna iyo samata bixinta dadkeenna oo kasoo kabanaya marxaladihii burburka.

Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qamar Cali Cumar ayaa ku bogaadisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed inay muujiyaan isku duubni iyo garab istaagga dowladnimada, waxayna xuska Munaasabadda 8-Maarso awgeed ku baraarujineysaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...