Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay safiirka Denmark u joogo Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa uu ku qaabbilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Mudane, Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in  ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...