Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Hey’adda IHH oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta 3,000 oo qoys gargaar ugu qeybiyey degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.Deeqdaan Mucaawinada ah ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee Raashinka waxaana goobjoog ka ahaa qeybinteeda Maamulka Wadajir iyo Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.
[DAWO] Hey’adda Maareynta Masiibooyinka oo maanta 3,000 oo qoys gargaar ugu qeybisay degmada Wadajir
Date: