Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo magaalada Dubai kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada

Date:

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo  looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban  22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiirrada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luuqadda iyo firka dowladaha carbeed, waxaa sidoo kale laga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horumarka ammaanka,  dhaqaalaha iyo Hal-abuurka casriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar da’da 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fursad aysan haysan dunida inteeda badan.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqabada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada si looga faa’iidaysto awooddooda.

Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shirkan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ahaan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...