Tirada Dhimashada Dhulgariirada Turkiga iyo Suuriya oo kor u kacay iyo Madax katirsan Carabta oo ku qulqulaya dalka Turkiga

Date:

Tirada dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariirrada labada dal ee Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay saddex iyo soddon kun oo qof.Iyada oo kumanaan kale oo meydad ah la helo maalin kasta, ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in tiradu ay ku dhowdahay meeshii ugu sarreysay.

Samatabbixiyeyaashu waxay sii wadaan inay helaan dad nool, inkasta oo tiradu ay hadda yar tahay. Mid kasta oo ka mid ah dadka la soo badbaadiyo waxaa lagu soo dhaweyaa farxad.

Dhinaca kale Amiirka dalka Qatar,  Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyey oo Ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Türkiga tan iyo wixii ka dambeeyey Dhul-gariirkii Isniintii hore ka dhacay dalkaasi.

Amiirka dalka Qatar waxa uu Madaxweyne Erdoğan kula kulmay magaallada Istanbul, iyagoo yeeshay Kulan Khaas oo Albaabada u xirnaa, iyadoo ay  Saxaafadda dibed-joog ka ahayd.

Kulankaasi waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Amiirka Qatar si gaar ah ugu deeqay 14 milyan oo Dollar dadka ay dhibaatadu ka soo gaareen Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Türkiye.

Dowladda Qatar waxay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyey ee Gargaarka soo gaarsiiyey dalka Türkiga, kadib, Dhul-gariirkii ay Kumanaan qof ku dhinteen.

Wasaaradda Dibedda ee dalka Qatar  waxay horey ugu dhawaaqday inay 100,000 oo Guryaha Guurguura ah (mobile homes) u soo diraan dalalka Türkiye iyo Syria oo uu ka dhacay labo Dhul-gariir oo lagu hoobtay.

 

Wakaallada Wararka Qatar ee QNA waxay horey u baahisay inay dalka Türkiye u soo diri doonaan Koox Gurmad ah, Isbitaal nooca Guurguura, Gargaar Samafal, Teendhooyin iyo Qalabka looga gaashaanto Qabowga Daran.

Dhanka kale, Wafdi Heer Sare ah oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta socdaal hawleed ku tegaya dalka Türkiye, gaar ahaan Goballada uu Dhul-gariirkii saameeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...