Hogaamiyaha Sare ee dalka Iran oo cafis u fidiyey tobanaan kun oo maxaabiis ah

Date:

Bannaanbaxyo ayaa ka dillaacay bishii September ee sanadkii hore dalka Iran kuwaas oo ka dhashay markii Mahsa Amini ay ku dhimatay xabsiga iyadoo ay hayaan iidanka anshaxa ee dalkaasi.

Mahsa Amini oo 22 jir aheyd ayaa loo xiray in si aan habbooneyn ay xijaabkeeda u xirataytaas oo khilaafaysa xeerarka adag ee dhinaca lebiska haweenka ee dalka Iran.

Dowladda ayaa bannaanbaxyadii ka dhashay arrintaa ku tilmaantay kuwo ay ka dambeeyaan shisheeyaha iyadoo weli ay socdaan bannaanbaxyada loogana hortagayo awood ciidan.

Hay’adaha xuquuuql Insaanka ayaa sheegay in in ka badan 500 oo bannaanbaxayaal la dilay , kuwaas oo ay ku jiraan 70 carruur ah iyo iyaastii 20 kun oo qof oo xabsiga la dhigay

Bannanbaxyadii dalka oo dhan ka dhacayey ayaa hoos u dhacay tan iyo markii ugu horreysay ee la bilaabay in la dilo in la dilo bannaanbaxayaasha la qabto.

 

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in cafiskan ugu dambeeye ee Ayatollah Khamenei uu ka dambeeyey qoraal ka yimid madaxa cadaaladda oo inta badan dadka xiran ku tilmaamay dad dhallinyaro ahoo ay saameeyeen dacaayadaha shisheeyaha sida uu yiri

Qoraalka ayaa lagu sheegay in tiro badan oo bannaabaxayaasha ay ay muujiyeen sida ay uga shalleynayaan arrintaa ayna cafis weydiisteen.

Laakiin kuwa lagu eedeeyey dambiyada culus sida in ay u jaajuusayeen hey’daha shisheeyha , dil ama burburinta hantida qarankalama sii deyn doono.

Tallaabooyinkaa ma gaarsiisnaan doonaan dadka labada dhalasho heysta ee xabsiga ku jira.

Sida uu qorayo qodobka 110 aad ee dastuurka Iran , hoggaamiyaha Srae ee dalkaasi wuxuu awood u leeyhay in cafis fidin karo isagoo waaxDA Caddaladda ka codsanaya arrintaa

Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in kuwa soo galaya liiska cafiska laga rabo in ay soo qortaan qoraal ay ku sheegayaan in ay ka shalleynayaan wixii ay ku kaceen cafisna ay ku weydiisanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...