Madaxweynaha Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

Date:

Muqdisho Febraayo 05, 2023;  Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya isagoo ku dhiirigaliyey Bangiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara islamarkaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bangiga Adduunka waxay balan qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya Dowladda Soomaliya iyo Bangiga, gaar ahaan qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bangiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeee ee ka shaqeeya Bangiga kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...