Diyaaradaha dagaal Maraykanka oo soo riday buufin looga shakisan yahay inay basaas u aheyd Shiinaha

Date:

Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaartay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka.

Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadan heyn dadweyne, taas oo xumeysay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo ridoyo Arbacadii, laakiin waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa ku talisay in la sugo ilaa inta lagu soo ridi karo biyaha badda, si looga ilaaliyo dadka rayidka ah burburka kusoo dhacaya dhulka iyo hawada ay ku duulaan diyaaradaha rakaabka ah.

“Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Biden.

Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa shidaalka siiya ayaa ka qaybqaatay howlgalkan, laakiin mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X abbaarihii 2:39 duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xiriira cilmibaaris, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka “gabi ahaan si kama’ ah” – sheegashadaas oo ay si toos ah u beeniyeen saraakiisha Mareykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firirka iyo haraaga buufintay uu ku fidday in ka badan toddobo mayl (11 kiilomitir) oo badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ah.

Reuters.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...