Maamulka Gobolka Banaadir oo Guddoomiyasha Degmooyinka iyo Saraakisha kala hadlay dardargalinta Amniga Caasimada

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay dardargalinta horumarrinta Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka D.H.X, saraakiisha ciidanka Amniga, Aggaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Kulankan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) kaas oo la xariiray in talaaba adag laga qaado Xoolaha lagu soo fasaxo Magaalada, kuwaas oo caqabad ku ah bilicda Caasimadda.

 

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa faray Madaxdii iyo Saraakiishii kulankan ku sugneyd in la xoojiyo howlaha lagu horumarinayo Amniga, Nadaafada, Kobaca Dhaqaalaha, iyo hoos u daadajinta adeegyada Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...