Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka faa’iidaysanaysa hibada dhallinyarada Soomaaliyeed oo bilaabaysa Olole Wacyigelin ah

Date:

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo ka faa’iidaysanaysa hibada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa bilaabaysa Olole Wacyigelin ah oo balaaran oo ay ugu horeeyaan mid dhallinyarada Soomaaliyeed looga digi halista Maandooriyaha ( Daroogada) looguna sheegi kaalinta dhallinyarada ee dowlad dhiska iyo Nabadda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliso agaasimaha waaxda Hal-abuurka iyo wacyigelinta Dhallinyarada Ikraam Cabdullaahi Jogow ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanka ahna Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Cabdirashiid Muxyadiin Kaalmow oo hormuud u ah Olole ay kooxo dhallinyaro ahi bilaabeen oo xoogga lagu saari kaalinta Fanka ee Nabadda is-dhexgalka iyo la dagaalanka Hayb-sooca.

 

Wasiirka Maxamed Barre Maxamuud ayaa bogaadiyay Fanaan Cabdirashiid iyo kooxaha Dhallinyarada ee uu horumarka u yahay isagoo xusay in wacyigelinta Dhallinyarada ee xagga Maandooriyaha xoogga la saaro maadaama uu yahay halista ugu weyn ee dhalinyaradu wajahayso maanta Argagixisada ka dib.

 

“Cadowga labaad ee dhalinyarada Soomaaliyeed in laga xoreeyo u baahan waa Maandooriyaha ( Daroogada)  oo halis weyn ku haya ubaxii mustaqbalka”  sidaas waxaa yir Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo xaqiijiyay in wasaaraddiisu dagaal Maandooriyaha ka dhan ah bilaabi doonto isagoo caddeeyay inay hadda gacanta ku hayaan Siyaasadda la dagaalanka Maandooriyaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...